Wefdi ka socda Eriteeriya oo yimid Muqdisho si ay kor ugu qaadaan xiriirka labo-geesoodka ah

Khayre oo Wasiirka Arrimaha Dibada Eriteeriya kusoo dhaweynaya garoonka diyaaradaha Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wefdi heersare ah oo ka socda Eriteeriya ayaa maanta oo Isniin ah yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si ay gacan uga geystaan xiriirka labo-geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa qaabilay wefdiga oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibada Eriteeriya Osman Saleh.

Wefdiga ayaa caasumaad ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo safar ku tagay caasimada dalka Eriteeriya bishii lasoo dhaafay ee Luulyo.

Khayre ayaa sheegay in safarkan iyo kii hore ee Farmaajo ee Eriteeriya ay qiime weyn ugu fadhido xiriirka labo-geesoodka ah ayna muujineyso sida labada dal ay diyaar ugu yihiin in ay kor u qaadaan xiriirkooda.

Dhankiisa, Saleh ayaa sheegay in dalkiisu uu aad u daneynayo hagaajinta xiriirka saaxiibnimo ee ay leeyihiin Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Eriteeriya ma aysan lahayn xiriir diblomaasiyadeed muddo gaareysa 15-sano.

Bishii lasoo dhaafay, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Eriteeriya Isaias Afwerki ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Asmara.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*