Sawirqaadihii Daacish oo 10-sanno oo xabsi ah lagu xukumay

Xubin Daacish ah Cabdisamad Ibraahim Cumar. [Isha Sawirka: Gungaar]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa manta oo Isniin ah 10-sanno oo xabsi ah ku riday Cabdisamad Ibraahim Cumar, oo ahaa sawirqaadihii maleeshiyada ISIS/Daacish.

Cabdisamad oo kasoo jeeda deegaanka Garissa ee dallka Kenya ayaa ku biiray malleshiyada ISIS ee ku sugan Puntland sanadkii 2016, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamada.

Waxa uu ahaa sawirqaadihii dagaalkii dhexmaray labada maleeshiyo ee Al-Shabaab iyo Daacish oo ka dhacay gobolka Bari sanadkii 2018, sida uu u sheegay saraakiisha dambi-baarista.

Waxaa maleeshiyadu ay u wareejisay magaalada Muqdisho balse haayadaha ammaanka ayaa ku xiray garoonka, saraakiisha maxkamada ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*