Puntland oo deegaanada xeebaha u digtay iyadoo la sadaaliyay in dufaano ku soo socdaan

Xeebta Eyl. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Iyadoo la sadaaliyay in dufaano ay ku soo socdaan deegaan xeebeedyada Soomaaliya ee saran Badweynta Hindiya, Puntland ayaa ka digtay.

Qoraal digniin ah oo maanta oo Arbaco ah ka soo baxay wadaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in duufaanta oo 80 ilaa 100 kiilomitir halkii saacba ku socota la filayo in ay ku dhufato inta u dhaxaysa Xaafuun iyo Hobyo.

Dabaysha ayaa khasaare u geysan karta dhismayaasha tabarta daran, dhirta iyo qalabka kalluumaysiga, waxaana ka dhalan kara daadad liixaad leh oo dhibbaato u geysan kara xoolaha, waddooyinka iyo deegaanka, sidaa ayaa lagu yiri bayaanka digniinta ah.

Dadka shacabka ah gaar ahaan kuwa degan xeebaha, dhulka miyiga ah, iyo magaalooyinka ayaa la faray in ay u diyaargaroobaan duufaanta, lagana baxo xeebaha iyo dhulka godan.

Duufaantan oo lagu magacaabo Pawan oo ka timid Badweynta Hindiya ayaa la sadaalinayaa in ay soo gaarto xeebaha waqooyi ee Soomaaliya maalmaha dhow ee soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*