Labo qof oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Qardho

Labo qof oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Qardho. [Sawirka]
Qardho-(Puntland Mirror) Labo qof ayaa ku geeriyooday hal kalena waa uu ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar maanta oo Sabti ah, sida uu sheegay masuul dowladda katirsan.

Duqa Qardho, Cabdi Siciid Cusmaan, ayaa saxaafada u sheegay in shilku uu dhacay kadib markii gaarigu uu wadada ka baxay.

Gaariga shilka galay ayaa ahaa Toyota Mark II Wagon, kaasoo siday jawaano qaad ah oo kayimid Garoowe kuna sii jeeday Qardho, sida duqu uu sheegay.

Sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay, shilalka ayaa siyaaday gudaha Puntland. Tiro dhan 358 qof ayaa ku dhintay shilal gaari oo ka dhacay waddooyinka Puntland sanadkii hore ee 2017, sida Waaxda Nabadgelyada  waddooyinka ee ciidanka booliiska Puntland ay warbixin ku sheegeen lasii daayay bishii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*