Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo sheegay in DP World ay dib uga fakerto heshiisyada dekadaha Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. [Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa Jimcadii sheegay in shirkada DP World ay dib uga fakerto heshiiskeeda ay la gashay maamulka Somaliland ayna la shaqeyso haayadaha federaalka ah si loo dhowro madaxbanaanida Soomaaliya.

“Waxaan weydiinay DP World in ay dib u tixgeliso heshiisyadaas gaar ahaan midka dekada Berbera ee Somaliland tan iyo inta Somailand ay ku andacooneyso in ay tahay dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya,” Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya, ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay wakaalada wararka Reuters.

Waxa uu sheegay in heshiiska DP World si loo hormariyo soonaha dhaqaale iyo dekada Berbera ee Somaliland uu hareer marsanyahay awooda saxda ah ee Soomaaliya, uuna sababayo khalad iyo is-fahamwaa kaasoo ahaada mid aan la xalin.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dooneyso in DP World ay heshiis la gasho Muqdisho, intii ay la geli lahayd Somaliland.

Wasiirka ayaa diiday hadal kasoo yeeray Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibada ee Imaaraatka Carabta oo sheegay in ay heshiiska Berbera la saxiixdeen dowladdii hore ee Soomaaliya, balse Cawad ayaa sheegay in aysan jirin waxa cadeymo ah oo Imaraatka bixiyay.

Hadalka wasiirka ayaa yimid iyadoo uu jiro khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Bishii lasoo dhaafay ee Maarso, Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay xeer shirkada DP World ee Imaaraatka Carabta looga mamnuucayo dalka Soomaaliya. 

DP World ayaa labadii sanno ee lasoo dhaafay heshiis la gashay Somaliland iyo Puntland si ay u dhisto una maamusho dekadaha Berbera iyo Boosaaso muddo 30 sanno ah.

Somaliland ayaa go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamtay mid aan waxba ka gelin oo aan waxba u dhimi doonin heshiiska. Somaliland ayaa isku aqoonsan dal madax-banaan balse dhowr iyo labaatan sanno oo ay gooni isu taag raadinaysay wax aqoonsi ah kama helin beesha caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*