Ugu yaraan 18 qof oo ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay meel u dhow Muqdisho

13570044_10154314086604583_755132596_o
Gaariga baska ah ee qaraxa ku dhacay, deegaanka Lafoole.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Miinada dhulka lagu aaso ayaa ugu yaraan 18 qof oo shacab ah ku dishay deegaanka Lafoole oo u dhow caasimada Soomaaliya, Muqdisho, sida ay sheegeen booliska.

“Dhamaan 18 qof oo gaari bas ah saarnaa ayaa dhintay waana ay gubteen. Miinada gacanta laga hago ayaa ku qaraxday oo lagu aasay wadada dhinaceeda,” Cabduqaadir Maxamed oo ah sarkaal booliis oo goobta ku sugnaa ayaa sidaa u sheegay Reuters.

Dhibaatada shacabka soo gaartay ayaa dhacday gelinkii hore maanta oo Khamiis ah, markii gaariga uu qaraxa la kacay, sida ay booliska sheegeen.

Sida warbaahinta maxaliga ah ku warantay, aabe iyo labo caruur ah oo uu dhalay ayaa ku jira dadka geeriyootay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka, balse maleeshiyada ku xiran al-Qaacida ee al-Shabaab taasoo la dagaalamaysa dowlada uu caalamka aqoonsanyahay Soomaaliya ayaa si joogto ah weeraro ugu qaada saraakiisha dowlada iyo shacabka.

 

 

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*