Jawaari oo ku adkeystay in uusan iscasili doonin

Guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soo aaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa makale ku ceshay in uusan iscasili doonin.

Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo saxaafada kula hadlay Muqdisho maanta oo Talaado ah ayaa ku adkeystay in uusan iscasili doonin.

“Aad baa la iiga gar daran yahay in la i weydiiyo inaan iscasilo, annigu sharci baan ku imid, sharci uun ayaana ku bixi karaa,” ayuu yiri Jawaari.

Jawaari ayaa sheegay in wadahadaladii lagu dhexdhexaadinayay ismariwaaga siyaasadeed ee taagan ay fashilmeen, waxaana uu xusay in Madaxweyne Farmaajo uu isaga ka codsaday in uu xilka ka dego si khilaafla loo soo afjaro.

Maalmihii lasoo dhaafay khilaaf xoogan ayaa ka dhexjiray baarlamaanka iyo xukuumadda kadib markii qaar katirsan golaha baarlamaanka oo u badan wasiiro ay mooshin ka keeneen Jawaari.

Sabtidii ayaa ayaa lagu balansanaa in baarlamaanka ay kulan ku yeeshaan Muqdisho si ay codka kalsooni siinta ah ugu qaadaan guddoomiye Jawaari balse kulanka ayaa baaqday kadib markii uu soo farogeliyay Madaxweyne Farmaajo.

Khilaafka ayaa hadda u muuqda mid sii xumaanaya kaasoo dib u dhac weyn u geystay howlihii dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*