Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo laga helay xanuunka COVID-19

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa laga helay xanuunka COVID-19 waxaana uu ku karantiilanyahay dalka Burundi.

“Maalintii sideedaad ayaan ku jiraa karantiil dalka Burundi oo aan umid shir maxaa yeelay waxaa igu soo dhacay cudurka COVID-19,” Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa sidaas u sheegay warbaahinta dowladda.

Xanuunka ayaa asbuucyadii u dambeeyay ku soo kordhayay gudaha dalka.  Shantii maalmood ee u dambeysay, Soomaaliya ayaa diiwaangelisay ku dhawaad 1000 kiis oo cusub oo COVID-19 ah halka 55 qof oo kale ay u geeriyootay fayruska, sida ay sheegayso xogta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*