Saddex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Boosaaso iyo Qardho

Saddex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Boosaaso iyo Qardho. [Xigashada Sawirka: Radio Daljir]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen shil gaari, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada waddooyinka.

Shilka ayaa ka dhacay wadada tuulada Guud-cad ee u dhaxaysa Boosaaso iyo Qardho, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada waddooyinka.

Dadkii dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalada u dhow kadib shilka, saraakiisha ciidamada waddooyinka ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*