Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka oo markii ugu horeysay sanad kadib kulmay

Shirka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka, Dhuusamareeb, July 20, 2020. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Dhuusamareeb-(Puntland Mirror) Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Federaalka ayaa maanta oo Isniin ah kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb tan iyo bishii May 2019 markaas oo shirkoodii ay ku yeesheen Garoowe uu ku dhammaaday natiijo la’aan.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeybgalay Raysulwasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubbland, Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle.

Ajandaha ugu weyn ee shirka ayaa ah doorashooyinka soo socda iyadoo xilliga Madaxweyne Farmaajo uu ku egyahay bisha Febaraayo 2021.

Shirkan ayaa daba socday kulan ay madaxweynayaasha Dowladdaha Xubhaha ka ah Federaalka ay ku yeesheen Dhusamareeb horaantii bishaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*