Ciidamada dowladda Soomaaliya oo maleeshiyada Al-Shabaab kala wareegay deegaano kuyaala gobolka Gedo

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo maleeshiyada Al-Shabaab kala wareegay deegaano kuyaala gobolka Gedo.[Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maleeshiyada Al-Shabaab kala wareegay deegaano kuyaala gobolka Gedo kadib dagaalo culus, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo saraakiisha dowladda.

Sargaal katirsan dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu ay tuulooyin dhowr ah oo katirsan gobolka Gedo kala wareegeen Al-Shabaab.

Sidoo kale sargaalka ayaa sheegay in maleeshiyada ay ka qabsadeen saad.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare, balse lama yaqaan tirada rasmiga ah ilaa iyo hadda.

Abaanduulaha ciidamada Soomaaliya Janaraal Cabdulaahi Cali Caanood ayaa dhawaan sheegay in ciidamadu ay qaadi doonaan howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan koonfurta Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*