Madaxweynaha Puntland oo la filayo in uu tago magaalo xeebeedka Qandala

Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa saacadaha soo socda la filayaa in uu tago magaalo xeebeedka Qandala, wuxuuna noqonayaa Madaxweynihii kowaad ee Puntland oo taga halkaas ku dhawaad 18-sanno oo Puntland jirtay.

Inta uu ku guda jiro safarkiisa, Madaxweyne Cabdiweli ayaa kulamo la yeelan doona masuuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ammaanka ee jooga magaalada.

Bishii lasoo dhaafay, ciidamada Puntland ayaa dib uga qabsaday magaalada Qandala maleeshiyada ISIS, kuwaasoo qabsaday dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*