Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa beenisay in Agaasimaha Guud Faysal Cabdullaahi Warsame uu iscasilay, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee wasaaradda maanta oo Talaado ah.
Qaar katirsan warbaahinta maxaliga ah ayaa tebisay in agaasimaha uu iscasilay iyagoo aan sheegin ilo-wareedka ay ka heleen iscasilaada masuulka.