Shan askari oo katirsan PMPF oo lagu dilay qarax miino oo ka dhacay buuralayda Bari

Gaadiid dagaal oo ciidamada PMPF oo maraya buuralydaka Bari. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan askari oo katirsan ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa ku dhintay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa miino dhulka lagu aasay oo kula kacday deegaanka Sugure ee buuralaydka gobolka Bari maanta oo Sabti ah, sida ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka ay sheegeen.

Agaasimaha PMPF Cabdirabi Cabdisamad ayaa geerida askarta ku xaqiijiyay qoraal tacsi ah oo la soo dhiggay booga Facebook-ka PMPF.

Ma jirto koox weli sheegatay masuuliyada qaraxa, balse kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa qaraxyo noocaan oo kala ah buuralaydaas kula beegsatay ciidamada Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa dhulka buuralayd ah ee u dhaxeeya gobolada Bari iyo Sanaag kula dagaalamaysay Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2010.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*