Wasaaradda Maaliyada Puntland oo xariga ka jartay dhismaheeda cusub ee magaalada Garoowe

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyada ee Puntland. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah xariga ka jartay dhismaheeda cusub ee magaalada Garoowe.

Munaasabada xarig jarka oo lagu qabtay dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyada ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiinta sare ee dowadda oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxay dhismaha ay bixisay Wasaaradda aysana jirin cid kale oo gacan ka siisay.

Madaxweye Cabdiweli ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay furitaanka iyo kasoo qaybgalka xafladda dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu ammaan iyo bogaadin usoo jeediyey cid walba oo ka  qayb qaadatay hirgelinta dhismahani oo ay ugu horeyaan madaxda Wasaaraddu.

“Waxaan rabaa inaan ammaan iyo bogaadhin u soo jeediyo Wasaaradda Maaliyadda dhammaanteed, ku bogaadiyo dhismahan cusub iyo hoggaamiyaha wanaagsan ee mashruucani hoggaaminayey Wasiir Cabdulaahi Shiikh Axmed, runtii qofku wakhti yar ayuu joogayaa shaqaduna waa meerto,” ayuu yiri Madaxweynuhu

Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa ah wasaaradda ugu muhiimsan dowladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*