RW Soomaaliya oo codsaday in dib loo dhigo xiritaanka Dhadhaab

Xiritaanka xerada qaxootiga Dhadhaab sanadkan aad bay khatar u tahay, Raysulwasaaraha Soomaaliya ayaa sidaa yiri, isagoo soo jeediyay in la rumaysan karo in 2019-ka laga dhigo wakhtiga isku dayida xiritaanka.

“Waxaanu rabnaa in qaxootigayaga uu dib u soo nqodo, dhabtii,”  Raysulwasaare Sharmaake ayaa wargeyska Washington Post sidaa u sheegay. “Laakiin waa in aad ku xisaabtantaa qaabka ay kusoo noqonayaan. Hadda dib uma soo celin kartid cidna,” hoggaamiyaha labaad ee Soomaaliya ayaa sidaa u sheegay wareysi uu siiyay Washington Post oo Arbacadii la daabacay.

Waxaa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay wali isku dayayso sidii ay Kiinya uga dhaadhicin lahayd in ay kordhiso wakhtiga xiritaanka xeryaha qaxootiga, isagoo sheegay in saddex sanno ay macquul tahay in laga dhigo wakhtiga kama dambaysta ah, sida ay qortay Washington Post.

“Ma doonayno in Kiinya ay qaxootiga soo saarto xalaada wakhtiga hadda lagu jiro, sababtoo ah waxay abuuraysaa amni daro badan haddii qaxootigan dib hadda loo soo cesho,”  ayuu yiri Sharmaake. “Waa dhalinyaro, waxay ku biiri karaan ururada argagixisada ah waxayna abuuri karaan amni daro badan oo labada dalba ah,” ayuu sii raacshay.

Dowlada Kiinya ayaa ku adkaysanaysa in ay waajib tahay xirida Dhadhaab sanadkan waxay taasi sababi kartaa isla xisaabtan siyaasadeed, ayuu sheegay RW Sharmaake.

“Waanu fahansanahay in Kiinya ay galayso doorashooyin, sidoo kale go’aankaas wuxuu noqon karaa mid siyaasadeed,” ayuu Sharmaake u sheegay Washington Post.

RW Sharmaake ayaa sidoo kale beeniyay eeda Kiinya oo ah in weerarkii sanadkii lasoo dhaafay lala beegsaday Jaamacada Gaarisa lagu soo qorsheeyay gudaha Dhadhaab.

“Waxaa jiray eedayn qaxootiga ah, taasoo ah in wixii dhacay lala xiriirinayo qaxootiga Dhadhaab,” RW Sharmaake ayaa sidaa sheegay. “Ma doonayo in aan ku murmo waxa ay haayadaha Kiinya dhahaan, laakiin si katoo ay ahaataba, waxay ahaayeen runtii kuwa weerarka qaaday Kiinyaati Muslim ah ,” ayuu yiri  RW Sharmaake.

 

(Wargeyska Washington Post ayaa warbixintan qoray waxaa turjumay warsidaha Puntland Mirror)

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*