Guddiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland oo soo bandhigay urur siyaasadeedyo is-diiwaangashay, iyada oo walaac laga qabo hanaanka dimuqraadiyeynta Puntland

Guddiga Doorashooyinka Puntland, Cabdiraxmaan Diiriye oo shahaadada aqoonsiga guddoonsiinaya mid kamid ah ururada is-diiwaangeliyay. [Xigashada Sawirka: TPEC]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee (TPEC) ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Garoowe ku soo bandhigay waxay ku sheegeen urur siyaasadeedyo is-diiwaangashay.

Xoghayaha Guddiga Doorashooyinka Puntland, Liibaan Saalax Maxamud ayaa sheegay in ururada is-diiwaangeliyay ay kala yihiin, Umadda, Garsoor, Ubax, Himilo iyo Aaran.

Soo bandhiga ayaa imaanaya xilli ay ka harsanyihiin wax ka yar 10 bilood xil heynta xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweyne Cali ayaa balanqaaday markii uu ku jiray ololaha in uu qaban doono doorashooyin dimuqraadi ah sanadka 2019, balse waxa uu ku fashilmay sanadihii ugu horeeyay oo uu xafiiska joogay.

Bishii Febaraayo, Ilo-wareed katirsan dowladda, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay eeq bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa diiday maalgelinta hanaanka dimuqraadiyeynta Puntland, iyaga oo shaki geliyay macquulnimada “doorasho hal qof iyo hal cod ah” in ay dhacdo sanadka 2019, sida ay sheegeen ilo-wareed katirsan dowladda.

Falaanqeeyaasha siyaasadda Puntland, ayaa aaminsan in Madaxweyne Cabdiweli uu ugu dambeyn ku dhawaaqi doono in doorashada soo socota ay noqoto nidaamkii hore ee duqa ahaa ee 66 xildhibaan ee baarlamaanka oo ay soo xulaan odayaasha dhaqanka, marka loo eego wakhtiga ay heysato xukuumaddiisu oo aan lagu qaban karin doorashooyin hal qof iyo hal cod ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*