Baarlamaanka maamulka Galmudug oo xilkii ka qaaday Madaxweyne Cabdikariim Guuleed

guuleed
Madaxweynaha Galmudu Cabdikariim Xuseen Guuleed. [Sawirka: Archive]
Cadaado-(Puntland Mirror) Xildhibaanada maamulka Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah xilkii ka qaaday Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyaga oo ku eedeeyay wax-qabad la’aan.

Tiro 54 xildhibaan ah ayaa u codeeyay in xilka laga qaado Madaxweyne Guuleed, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka.

Gelinkii hore maanta oo Talaado ah, Madaxweyne Guuleed ayaa saxaafada joogta Muqdisho u sheegay in uusan aqbali doonin waxa kasoo baxa baarlamaanka.

Waxa uu xafiiska joogay muddo ka yar labo sanno.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*