Wareysi gaar ah oo uu siiyey tifaftiraha Puntland Mirror Mudane Cabdi Cumar Bile, Guddoomiyaha Degmadda Garoowe ahna Duqa Caasimadda Garoowe Mudane Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) wuxuu kaga waramayaa mashaariicda horumarinta kaabayaasha ee Garoowe oo uu ku jiro Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka Soomaaliya oo uu Bangiga Adduunku maalgelinayo.
Puntland Mirror: Mudane Guddoomiye, aad baan kaaga mahad celinaynaa fursadda aad noo siisay inaan wareysigan gaarka ah kula yeelano, oo aan wax kaa weydiiyo mashruuca horumarinta magaalada Garoowe oo uu Bangiga Adduunku maalgelinayo.
Xasan Goodir: Adigaa mudan.
Puntland Mirror: Mudane Guddoomiye, sannadkii la soo dhaafay waxaa Barnaamijka Bangiga Adduunku (World Bank) sheegay inay ka fulinayaan mashaariic waaweyn magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe, fadlan warbixin kooban ma naga siin kartaa xaalada mashruuca Garoowe halka ay marayso iyo goorta la filayo in la bilaabo?
Xasan Goodir: Mashruucu waa mid balaaran oo Bangiga Adduunku uu naga caawinayo waana mid kaalin weyn ka geysan doona horumarka, magaalaynta, iyo bilicda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Mashruucu wuxuu ka kooban yahay laba qaybood; 1) waddooyin wadar ahaan dhererkoodu yahay 28 km iyo labo buundo iyo 2) Xoojinta Hay’adaha iyo Kor-u-qaadida Awooda (Capacity Building).
Puntland Mirror: Mashruuca sidii hore loo qorsheeyey waxay ahayd inuu bishii Febraayo 2017 bilaabmo, bishii July dhamaadkeedii baa lagu jiraa, maxaa keenay dib u dhaca? Yaase ka danbeeya dib u dhacaas?
Xasan Goodir: Wax isbedel ah oo dib u dhac ah oo rajo xumo ah ma jiraan. Waxaan isku diyaarinaynaa xilligii ay bilaabmi lahayd shaqadu, waana mashruuc BOQ-sii hadda la diyaariyay oo la dhammeystiray, dhawaana haddii Alle idmo magaalada Kigali ee wadanka Rwanda baa aniga iyo xubno ka tirsan golaha deegaanku u aadi doonaa howlaha mashruuca.
Inta badan dunida isbedel kasta oo ka dhaca waxa uu saameyn ku yeeshaa shaqooyinka iyo mashaariicda socda ama maalgeliyaashii ha noqoto ama Midowga Yurub ama Mareykanka saameyn ka dhacay ha noqotee, waxa weeye dhinacaas baa wax yar oo habacsani ah ka timid, laakiin hadda mashruuca dhinacyadii uu u baahnaa oo dhan waa la soo buuxiyay, shaqadiisuna waa mid 100% kalsoonidiisu tahay in sidii ay ahayd loo qabto.”
Puntland Mirror: Waxaa jira warar sheegaya in qayb ka mid mashruuca laga wareejinayo Garoowe, maxaa ka run ah wararkaas? Yaa ka danbeeya faro-gelintaas? Dowladda Hoose ee Garoowe maxaad ka qabateen faro-gelintaas?
Xasan Goodir: Warkaas waxba kama jiraan. Mashruucan waxaa gacanta si buuxda ugu haysa Degmadda Garoowe, waxaa kale oo gacanta ku haya Dowladda Puntland. Mana jirto wax la weecinayo iyo wax la kala gaasirayo iyo wax ma aragtay mashruuca loo geysanayo midna ma jiraan. Mashruuca waxaa ilaashanaya Dowladda Puntland oo Madaxweynuhu ugu horeeyo Degmaduna waxaa weeye iyadaa gacanta ku haysa mashruuca, mana jiro wax kale. Mashruuca sida loo qorsheeyey ayaa loo fulin doonaa haddii Alle idmo, wuuna soo dhaafay meel hadda wax laga bedeli karo.
Puntland Mirror: Sida aad noo sheegtay waxaa mashruuca ku jira laba buundo, xagee ayaa buundooyinkaas la saarayaa?
Xasan Goodir: Waddo waxaan u qorsheynay isbitaalka oo aad ogtahay in dhibaato weyn ka jirto u gudbidiisa ah oo gabdhaha xaamilooyinka ah ama ilmaha sita ama dadka waayeelka ah ama dadka xanuunsan oo dalcadahaas fuula oo marna ka baxaan marna ka degaan. Sidoo kale toga dhiniciisa Isbitaalka waxaa ku yaala iskuulo iyo jaamacado kuwaasoo u gudubkooduna dhib iyo khatar ku yahay ardayda, sidaas darteed buundada kowaad waxaan ka dhignay oo u qorsheynay sidii horey aan u balanqaadnay xilligii doorashada aan ku jiray in buundo la saaro wadada toga dhexmarta oo isku xirta magaalada iyo isbitaalka.
Buundada labaadna waxaan u qorsheynay ceelka Af-Dhurwaayaale loo yaqaan oo dadku ay wada garanayaan oo magaalada galbeed ka xiga, waxayna isku xiri doontaa jidka Soddonka iyo laamiga weyn, si halkaas ay u maraan baabuurta waa-weyn oo xamuulka sida taasoo magaalada ka yarayn doonta culayska dhanka traffic-ka ah.”
Puntland Mirror: Mashruucyada magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho waxaa ku jira horumarin dhinaca faya-dhowrka iyo ururinta iyo kantaroolida qashinka, qaybahaas idinku baahidooda miyeydinaan codsan?
Xasan Goodir: Hadda mashruuca qaybta soo horeysa waxa weeye intaas buu ka kooban yahay laakiin waxaan rajo ka qabnaa in qeyb labaad uu yeesho oo xagga nadaafada iyo xagga qashinka iyo magaaladu waxyaabo badan oo ay u baahantahay in aan ku dari doono. Waxaana baahiyaha ugu waa-weyn ka mid noqon doona sidii magaalada biyaha looga saari lahaa marka roobku da’o oo aysan u fariisan. Sidoo kale dhanka biyaha magaalada dhib baa ka jira oo biyo ku filan ma haysato biyo istaahila in la isctimaalana magaaladu ma haysato tayo ahaan, marka baahiyahaas oo dhan waanu gudbinay waxaan filaynaa in arrimahaas lagu dari doono mashruucyada dambe.
Puntland Mirror: Waxaa dhawaan bilowdeen burburinta dhismayaasha ku yaala qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada, muxuu yahay ujeedada iyo baahida keentay howlgalkaas hadda socda?
Xasan Goodir: Shaqada hadda socota ee magaalada lagu burburinayo dhismayaasha sharci darada ah ee laga dhisay waddooyinka waxay ka mid tahay shaqadayadii iska caadiga ahayd ee nidaaminta waddooyinka magaalada, waxaase howlgalka hadda socda noo dheer in waddooyinka mashruuca Bangiga Adduunka laga fulin doono la diyaariyo, oo la baneeyo. Sida aad ogtahay waa ay isku xiran yihiin bilicda, muuqaalka, amniga, ilaalinta deegaanka, horumarka iyo koboca dhaqaalaha. Taas weeyena sababta aan u burburinayno dhismayaasha qaarkood oo dhisnaa in ka badan dhowr iyo labaatan sanno.
Puntland Mirror: Ugu danbeyn, maxaa fariin ah oo aad bulshada Caasimadda Garoowe u gudbin lahayd.
Xasan Goodir: Waxaan bulshda u sheegi lahaa in ay Dowlada la shaqeeyaan, in qofkii dhisme sharci daro ah ka dhistay waddo ama dhismihiisu uu soo galay wado in uu ka baxo. Dowladdu waxay go’aansatay oo aysan ka noqonayn in qofka inta uu leeyahay maahee inta kale laga burburiyo wax kasta ha uga dhisnaadeene. Magaaladaan waxa ay kaga horeysaa magaalooyinka kale sida la ogyahay waa waddooyinka marka waxaa naga go’an in aan hagaajino bilicda iyo nidaamka waddooyinkeeda, xaafadaha hadda dhismayana in aan qorshe magaaleyn (town planning) ku habboon u sameyno. Waddo walba oo weyn oo magaaladu leedahay haddii aysan hadda ku jirin mashruucan Bangiga Adduunka qorshaha ku xiga baan ku daraynaa haddii Alle idmo.
Be the first to comment