Wiil uu dhalay Faysal Cali Waraabe oo lagu dilay duqeyn Mareykanku uu ka geystay dalka Suuriya

Xuseen Faysal Cali Waraabe oo ah wiilka la dilay. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wiil uu dhalay Faysal Cali Waraabe, oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, ayaa lagu dilay duqeyn Mareykanku uu ka geystay gudaha dalka Suuriya dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ee 2017, sida uu sheegayay aabihiis.

Wiilka oo magaciisa ay warbaahinta ISIS ku sheegtay Abu Shuceyb AS-Somali, balse magaciisa dhabta ah uu ahaa Xuseen, ayaa ka tagay dalka Finland sanadkii 2013 si uu ugu biiro maleeshiyada ISIS.

Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay dhimashada wiilkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*