Muqdisho-(Puntland Mirror) Wada-hadal u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo ururka Ahlu Suna Waljamaaca ayaa manta oo Talaado ah ka furmay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay ilo-wareeydu sheegeen.
Kulanka oo ay taageerayso dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ujeedadiisu tahay sidii hal dowlad goboleed looga dhisi lahaa gobolada dhexe ee Soomaaliya, sida ay sheegeen.ilo-wareeydu.
Masuuliyiinta sare ee labada dhinac ayaa ka qaybqaadanaya Wada-hadalka.
Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga guul gaari lahayd midaynta labada dhinac, taasoo dowladda Madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud ay ku fashilantay.
Galmudug iyo ururka Ahlu Suna Waljamaaca ayaa maamula gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Bilowgii bishaan, Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid oo sidoo kale loo yaqaan (Juxa) ayaa tagay magaalada Cadaado ee Galmudug si uu uga dhaadhiciyo masuuliyiinta maamulka Galmudug in ay ka qaybgalaan wada-hadalka ay hoggaaminayso dowladda federaalka Soomaaliya.
Be the first to comment