Munaasibada maalinta caalamiga ah Aids-ka oo lagu qabtay Garoowe, iyo sargaal la nool xanuunka oo la dalacsiiyay

Xuska maalinta Aids-ka Addunka Garoowe, Dec 1, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Munaasibada maalinta caalamiga ah Aids-ka ee adduunka ayaa maanta oo Axad ah lagu qabtay magaalada Garoowe, ee caasimada Puntland.

Isaga oo ka hadlayay musaasibada, agaasimaha haayada la daagalanka Aids-ka ee Puntland Cabduqaadir Maxamed Axmed ayaa sheegay 486 qof oo qaba Aids ay haayadu diiwaangelisay.

“Xilligan la joogo dadka xanuunka la nool oo daawada qaata waa 486 qof dhammaan Puntland.” Ayuu yiri.

Gudaha Puntland, Janaayo ilaa bishii September waxaa la baaray 1024 qof kuwaasoo helay baaris lacag la’aan ah waxaana cudurka laga helay 56 qof, sida uu sheegay agaasimuhu.

Sanad walba 1-da December ayaa dunida laga xusaa maalinta Aids-ka si loogu midoobu la dagaalanka HIV, oo ah fayrus la ogaaday sanadkii 1984.

Sargaal la nool xanuunka oo la dalacsiiyay

Dhamme Bashiir Cismaan Cawad ayaa madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan u dalacsiiyey derajada Gaashaanle, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday madaxtooyada maanta oo Axad ah.

Bashiir oo ah sargaal katirsan booliiska Garoowe, ayaa asbuucii lasoo dhaafay ka soo muuqday muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, kaasoo uu ku sheegay in uu la noolyahay fayruska HIV oo ay si kas ah ugu riday xaas hore oo uu guursaday.

Bashiir Cismaan Cawad oo ka hadlaya munaasibada Aids-ka Adduunka, Garoowe, Dec 1, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Dad badan ayaa dareen, duco iyo taageero u muujiyay Bashiir kadib markii uu sheegay in uu cafiyay gabadha xaaska u ahayd ee xanuunka ku riday, taasoo mudan kartay xukun dil toogasho ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*