Inta badan gobolada Soomaaliya oo laga soomay

Masjid Rowda oo kuyaala magaalada Boosaaso. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Inta badan gobolada Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah laga soomay.

Inkastoo aan loo sheegin in si rasmi ah bisha Ramadaan looga arkay gudaha Soomaaliya, haddana bisha Shacbaan ayaa Axadii 30-buuxa ahayd.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Garoowe ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Waxaan hadda joogaa oo aan fariintan idiin ka soo dirayaa magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland, waxaan halkaan uga dirayaa hambalyo guud ahaan Muslimiinta caalamka gaar ahaan ummada Soomaaliyeed ee kunool wadanka gudihiisa iyo dibadiisa bisha noo dhalatay ee Ramadaan, bishaan waa bil barakeysan waa bishii ay tahay Muslimiinta oo dhan gaar ahaan ummada Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan, waa bil cibaado, waxaan Ilaahay ka rajeynayaa in uu noogu dhammeeyo nabad iyo caafimaad.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa sanadkan ku soo beegmatay iyadoo Soomaaliya ay ka jirto abaar kadib markii Roobkii Gu’ga uu daahay.

Soonku waa tiir kamid ah shanta tiir ee Islaamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*