Puntland oo markii ugu horeysay yeelatay shaybaarka tayo dhawrka badeecadaha

Puntland oo markii ugu horeysay yeelatay shaybaarka tayo dhawrka badeecadaha. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Puntland ayaa muddo 19-sanno ah kadib markii ugu horeysay yeelatay shaybaarka tayo dhawrka badeecadaha.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa shalay oo Arbaco ahayd magaalada Boosaaso ka furay shaybaarka oo loogu talogalay in lagu baaro tayada badeecadaha  lasoo dajiyo iyo kuwa la dhoofiyo.

“In maanta Puntland yeelato tayo dhowr qalabaysan waa wanaag iyo horumar u soo kordhay Puntland ,waana mahadsanyihiin ciddii ka qeyb-qaadatay howshaan muhiimka ah,”’ Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Hadda wixii ka dambeeya Bariis caag ah iyo Baasto caag ah ma jiri doonaan, Puntland lama keeni doono ,cidii ku talagasha inay keento iridaan u fadhinaa hadii Alle yiraahdo.” Ayuu ku daray.

Si kastoo ay ahaataba, shaybaarkan ayaa qeyb weyn ka qaadan doona hubinta tayada iyo badqabka badeecadaha dalka la keeno, kuwaasoo aan la baari jirin awal.

Puntland oo la asaasay 1-dii Agoosto sanadkii 1998, ayaa u dabaaldegaysa 19-sanno oo dawladnimo ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*