Ninka isa soo dhiibtay oo lagu magacaabay Ibraahim Mansuur Cusmaan ayaa ahaa xubin katirsan Al-Shabaab muddo sagaal sanno ah, sida ay sheegeen saraakiishu.
Taliyaha ciidanka maaulka Koonfur Galbeed Shiine Mayow Aadan iyo guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow ayaa warbaahinta u sheegay in ninka isa soo dhiibay uu xiriir la soo sameeyay kahor inta uusan isa soo dhiibin.
Tirada dagaalyahanada Al-Shabaab ee isa soo dhiibay ayaa kordhaysay bilihii u dambeeyay, sida uu dhawaan sheegay taliyaha ciidama Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi oo loo yaqaan Indhoqarshe.
Gobolada Bay iyo Bakool ayaa kamid meelaha ay ku xooganyihiin maleeshiyada Al-Shabaab kuwaasoo muddo sannoyin ah dagaal kula jira dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.