Raysulwasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay golihiisa wasiiradda cusub

Raysulwasaaraha iyo golihiisa wasiiradda. [Isha Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay golihiisa wasiiradda cusub fiidnimadii Isniinta.

Isaga oo ka hadlayay xarunta madaxtooyada ayna ku hareeraysanyihiin golihiisa wasiiradda cusub, Maxamed Xuseen Rooble waxa uu sheegay in golaha uu ka koobanyahay raysulwasaare ku xigeen iyo 26 wasiir oo ay ku jiraan afar haween ah.

Konton boqolkiiba (50%) wasiiradda cusub ayaa ah kuwii golihii hore, oo ay kamidyihiin Raysulwasaare Ku Xigeenka Khadar Maxamed Guuleed, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, iyo Wasiiradda Caafimaadka Fowsiya Abuukar kuwaasoo dhammaan qabanaya xilalkoodii.

Golaha wasiiradda cusub waxaa kamid ah 17 wasiir dowle iyo 26 wasiir ku xigeen.

Golaha cusub ee wasiiradda ayaa u baahan in ay ansixin ka helaan baarlamaanlka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

18-kii Sebteembar, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maxamed Cabdullaahi Rooble u magacaabay Raysulwasaaraha cusub kadib markii baarlamaanku ay cayriyeen Xasan Cali Khayre dabayaaqadii bishii Luulyo.

Raysulwasaaraha cusub ayaa haysta wakhti kooban, iyadoo dalku uu geli doono doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*