Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland oo shaqada laga joojiyay, lagana dhigay xabsi guri

Sawirka: Taliyihii Ciidanka Booliiska Puntland Cabdiqaadir Faarax Ereg.

Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyihii Ciidanka Booliiska Puntland ayaa shaqada waxaa ka joojiyay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Cabdiqaadir Faarax Ereg ayaa sidoo kale waxaa laga dhigay xabsi guri, sida lagu sheegay bayaanka.

Tilaabada ayaa imaanaysa maalin kadib markii Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland uu rasaas ku furay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyne, balse waa uu ka badbaaday, waxaana ku dhaawacmay taliye ku xigeenka booliiska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*