Ugu yaraan sideed qof oo lagu dilay kadib weerar ay Al-Shabaab ku qaaday huteel kuyaala Muqdisho

Muuqaalka qiiqa kasoo baxay weerarka huteel Boosh ee Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan sideed qof ayaa lagu dilay gudaha Muqdisho caawa oo Arbaco ah kadib markii gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa lagu qarxiyay huteel, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka iyo caafimaad.

Weerarka oo lala beegsaday huteel Boosh ayaa waxa weheliyay rasaas, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka, sida saraakiisha caafimaadka ay u sheegeen wariyeyaasha.

Intooda badan dadka ku waxyeeloobay weerarka ayaa u badan dad shacab ah.

Ururka hubyasan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka caawa oo Arbaco ah, sida ay ku warantay idaacadooda Radio Al Andalus.

Sanadkii 2011-kii, ayaa Al-Shabaab banaanka looga saaray Muqdisho, balse maleeshiyada ayaa ayaa si wada qaadida weerarada dhimashada leh ee ka dhanka ah masuuliyiinta dowladda iyo meelaha ay bulshadu isugu timaado sida huteelada iyo makhaayadaha.

Kani waxa uu ahaa weerarkii kowaad oo argagax leh oo ka dhaca gudaha Muqdisho intii lagu guda jiray bisha barakaysan ee Ramadaa.

About Abdi Omar Bile 727 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*