Wasiir Dowlihii Madaxtooyada Puntland oo u geeriyooday coronavirus

Wasiir Dowlihii Madaxtooyada Puntland Maxamed Xasan Ciise. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiir Dowlihii Madaxtooyada Puntland Maxamed Xasan Ciise ayaa maanta oo Sabti ah ku geeriyooday magaalada Garoowe kadib markii uu ku dhacay xanuunka coronavirus.

Waxa uu noqonayaa xubintii labaad ee katirsan golaha wasiiradda oo u dhintay dhibbaato kaga timid xanuunka COVID-19.

Bishii May 2020, Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Dowladda Puntland Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa u geeriyooday xanuunka coronavirus.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada, ayaa madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan uu uga tacsiyeeyay geerida ku timid Wasiir Dowlaha Madaxtooyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*