Hoggaamiyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo ku wajahan Muqdisho si ay uga qeybgalaan kulanka DFS

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa la filayaa in ay yimaadaan magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan kulan lala yeelanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Kulan u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah ayaa beri oo Khamiis ah la filayaa in uu ka furmo Muqdisho.

Kulanka ayaa diirada lagu saari doonaa doorashooyinka soo socda ee dalka, iyadoo xukuumada hadda jirta uu wakhtigeedii gabogabo ku dhowyahay.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa iyaguna ku sugan Muqdisho, halkaas oo ay wadahadalo kula lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*