Qof goobjooge ah ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in ilaa saddex nin oo qoryo watay ay rasaasta ku fureen dad gaaraya 40 qof oo ku jiray gudaha masaajidka xalay oo Axad ahayd.
“Waxaa jira dad badan oo dhaawac soo gaaray…..waxaa jira dhimasho.” Sidaa waxaa wariyeyaasha u sheegay afhayeen u hadlay ciidamada booliiska Quebec.
Booliiska ayaa sheegay in ay xireen labo qof.
Raysulwasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in uu aad uga xunyahay weerarkaas lagu qaaday masaajidka Quebec, waxaana uu sheegay in uu dareenka la qaybsanayao qoysaska dhibanayaasha ah.
Masaajidka ayaa horey loola bartilmaameedsaday weerar Islaam-nacayb ah. Bartamihii bishii June ee sanadkii 2016-ka Intii lagu guda jirey Ramadaanta, madax doofaar ayaa la dhigay albaabka laga galo masaajidka.