Ugu yaraan shan qof oo ku naf waayay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan shan qof oo ku naf waayay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho.[Xigashada Sawirkat: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay toban kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho maanta oo Axad ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka caafimaadka iyo ammaanka ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow saldhiga booliiska ee Waaberi oo saaran jidka Maka Al Mukarama ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Bartilmaameedka qaraxa ayaan weli cadayn.

Intooda badan dadka ku dhintay qaraxa iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa ahaa dad shacab ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Tirada qaraxyada Muqdisho ayaa hoos u dhacay ilaa iyo dhawaan.

Ma jirto ilaa iyo hadda koox sheegatay masuuliyada qaraxa, balse ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa badanaa geysta weeraradaan oo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*