Boosaaso-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar askari oo katirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhaawacmay kadib markii dablay hubaysan oo Al-Shabaab katirsan ay weerar ku qaadeen bar-kantarool kuyaala gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari fiidnimadii xalay oo Axad ahayd, sida uu sheegay qof dadka deegaanka ah.
Qof dadka deegaanka Boosaaso ah, kaasoo codsaday in aan magaciisa la sheegin walaac dhanka ammaanka ah dartiis, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in niman hubaysan ay weerareen bar-kantarool ay ciidamadu ammaanka ka sugayeen oo ku dhow jidka Netco ee gudaha Boosaaso.
Qofka deegaanka ah ayaa intaas ku daray in nimanka hubaysan ay bumbo gacmeed ku tuureen bar-kantaroolka kahor inta iyaga iyo ciidamada ammaanka aysan is-weydaarsan rasaasta qoryaha.
Kadib shan iyo toban daqiiqo oo rasaasta qoryaha ah oo dhexmartay dablayda Al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Puntland, dablaydii ayaa markaas ka cararay goobta, sida uu sheegay qofka deegaanka ah.
Askartii dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalada kuyaala gudaha Boosaaso, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.
Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas fiidnimadii xalay, sida ay ku warantay warbaahintooda ugu weyn ee Radio Andalus.
Intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, magaalada Boosaaso ayaa goobjoog u noqotay mowjado weeraro ah oo lagu bartilmaameedsaday saraakiisha dowladda, waxaana masuuliyadooda sheegtay ururada xagjiriinta ah sida Al-Shabaab iyo ISIS.