Qof dadka deegaanka Boosaaso ah, kaasoo codsaday in aan magaciisa la sheegin walaac dhanka ammaanka ah dartiis, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in niman hubaysan ay weerareen bar-kantarool ay ciidamadu ammaanka ka sugayeen oo ku dhow jidka Netco ee gudaha Boosaaso.
Qofka deegaanka ah ayaa intaas ku daray in nimanka hubaysan ay bumbo gacmeed ku tuureen bar-kantaroolka kahor inta iyaga iyo ciidamada ammaanka aysan is-weydaarsan rasaasta qoryaha.
Kadib shan iyo toban daqiiqo oo rasaasta qoryaha ah oo dhexmartay dablayda Al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Puntland, dablaydii ayaa markaas ka cararay goobta, sida uu sheegay qofka deegaanka ah.
Askartii dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalada kuyaala gudaha Boosaaso, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.
Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas fiidnimadii xalay, sida ay ku warantay warbaahintooda ugu weyn ee Radio Andalus.
Intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, magaalada Boosaaso ayaa goobjoog u noqotay mowjado weeraro ah oo lagu bartilmaameedsaday saraakiisha dowladda, waxaana masuuliyadooda sheegtay ururada xagjiriinta ah sida Al-Shabaab iyo ISIS.