Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo u safray Muqdisho

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli oo saxaafada kula hadlayay garoonka diyaaradaha. {Xuquuqda Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli oo saxaafada kula hadlayay garoonka diyaaradaha. [Xuquuqda Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Khamiis ah u safray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in uu Muqdisho kaga qeybgali doono shirar muhiim ah oo uu la yeelan doono madasha wadatashiga qaranka.

Waxaa safarka madaxweynaha ku weheliya masuuliyin dowladda ah iyo saraakiil katirsan madaxtooyada.

Safarka madaxweynaha ee Muqdisho, ayaa kusoo beegmaya iyada oo dhawaan la filayo in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay ka dhacdo Muqdisho.

About Mohammed Omer Ahmed Mulla 20 Articles
Independent Researcher. Director and Chief Editor at Puntland Mirror. Focuses extensively on Security and Human Right Trends in Somalia, and the broader Horn of Africa Region.You can reach him on: Update.fkulan@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*