Xildhibaan katirsan baarlamaanka Puntland oo ku dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Xildhibaan katirsan baarlamaanka Puntland oo ku dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. [Sawirka: Twitter]
Xildhibaan katirsan baarlamaanka Puntland oo ku dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. [Sawirka: Twitter]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Xildhibaan katirsan baarlamaanka Puntland oo la dhaho Cabdiqaadir Faarax Bootaan ayaa ku dhaawacmay qarax gaari oo ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo galabta oo Arabaco ah, sida ay sheegeen saraakiishu.

Xildhibaan Bootaan ayaa dhaawacmay kadib markii qarax loogu rakibay gaarigiisa uu ku qarxay isaga oo marayay aaga Xero-Daraawiish ee gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xildhibaanka dhaawacmay ayaa loo qadaaya isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu qaraxa ku waayay mid kamid ah lugihiisa, sida saraakiisha caafimaadku ay sheegeen.

Ma jirto cid wali sheegatay masuuliyada weerarkaas.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*