Masuuliyiinta sare ee maamul goboleedyada Soomaaliya oo gaaray Kismaayo iyadoo uu soo aadanyahay shirkooda

Madaxweynaha Jubbaland oo garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Masuuliyiinta sare ee maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Kismaayo maanta oo Axad ah iyadoo uu soo aadanyahay shirkooda.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo sidoo kale ah guddoomiyaha madasha maamul goboleedyada ayaa yiri: “Waxaan u nimid shirka madasha wadatashiga dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo looga wada hadlayo arrimaha masiiriga ah ee u gaarka ah, khuseeyana iskaashigooda iyo guud ahaan danta caam ka ah, waxaan rabnaa inaan helno dowlad goboleedyo mid ah, hadafkooduna yahay Soomaalinimo, hirgeliyana nidaamka fadaraaliisamka”.

Shirka 3-aad ee madasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa la filayaa in uu Kismaayo ka furmo beri oo Isniin ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*