Xildhibaan katirsanaa baarlamaanka cusub oo ku geeriyooday gudaha Muqdisho

Xildhibaan Siciid
Marxuum Siciid Xasan Geedi. [Xigashada Sawirka: Radio Shabelle]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xildhibaan katirsanaa baarlamaanka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay oo Axad ahayd ku geeriyooday gudaha magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Xildhibaan Siciid Xasan Geedi oo dhawaanahaan xanuunsanaa ayaa ugu dambayn xalay ajashii Alle u timid, sida ay ku warantay idaacada maxaliga ah ee Radio Sheballe ee kutaala Muqdisho oo soo xigatay xubno katirsan qoyska marxuumka.

Xldhibaanka ayaan ka qeybgalin doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee asbuucii lasoo dhaafay ka dhacday Muqdisho, oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loogu doortay Madaxweyne, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo baarlamaanka ku dhow.

Sida ilo-wareedyadu sheegayaan maanta oo Isniin ah ayaa marxuumka aas qaran loogu sameyn doonaa Muqdisho.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*