Madaxweyne Deni oo shaqada ka ceyriyay wasiiro uu kamidyahay wasiirkii maaliyadda

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa isku shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiiradda, isagoo shaqada ka ceyriyay saddex wasiir.

Wasiiradda shaqada laga ceyriyay waxaa kamid ah wasiirkii maaliyadda Xasan Shire Abgaal kaasoo ay saaxiibo dhow ahaayeen Madaxweyne Deni intii uu xafiiska joogay.

Wasiirkii arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa loo wareejiyay wasiirka maaliyadda halka Cabdi Siciid Faarax Juxa oo soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Wasiirka cadaalada Cawil Shiikh Xaamid ayaa xilkiisa ku waayay isku shaandhaynta, iyadoo wasiirkii qorshaynta Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA), waxaana wasaaradda qorshaynta loo magacaabay Maxamed Cabdiwahaab

Isku shaandhaynta ayaa si gaar ah u saamaysay saaxibo hore ee Deni iyo masuuliyiin ay xiriiir la lahaayeen. Sida ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror Deni ayaa soo wada tillaabooyin kale oo xilka kaga qaadayo agaasimeyeyaal iyo masuuliyiin kale kuwaasoo xiriir la leh shakhsiyaadka Deni uu saaxiibka la ahaa balse khilaafku ka dhex qarxay kadib doorashadii madaxweynaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*