Ugu yaraan 7 qof oo lagu dilay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Afgooye

Askari katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ilaalo kahaya wado u dhow buundo kutaala magaalada Afgooye ee Soomaaliya. [Xuquuqda Sawirka: Reuters]
Askari katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ilaalo kahaya wado u dhow buundo kutaala magaalada Afgooye ee Soomaaliya. [Xuquuqda Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan todob qof oo ay kamidyihiin saddex katirsanaa ciidamada NISA iyo afar dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa ku dhimatay kadib markii dagaal culus ka qarxay magaalada Afgooye oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab maanta oo Khamiis ah, sida uu sheegay sargaal NISA katirsan oo ay soo xigatay wakaalada wararka Anadolu.

Cabdiraxmaan Axmed Xasan, oo ah sargaal NISA katirsan ayaa wakaalada wararka Anadolu u sheegay in dagaalku uu qarxay kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay soo weerareen saldhig ciidamadu ku leeyihiin magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Saddex kamid ah ciidamadayada ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay dhaawacmeen intii uu dagaalku socday. Waxaanu dilnay afar maleeshiyo Al-Shabaab ah. Waxaana nolol ku qabanay saddex ,” ayuu Cabdiraxmaan u sheegay wakaalada wararka Anadolu.

Afgooye waa magaalo beereed qiyaastii 30 km dhanka koonfurta-galbeed uga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar sanadkan, ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Afgooye.

Al-Shabaab ayaa dibada looga saaray intooda badan magaalooyinka kuyaala koonfurta Soomaaliya, balse maleeshiyadu wali waxay qaadaysaa weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo lid ku ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga AMISOM.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*