Garoonka diyaaradaha Garoowe oo dib u shaqo bilaabay kadib iska horimaad ka dhacay aaga garoonka

Garoonka diyaaradaha Garoowe. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa maanta oo Arbaco ah (17-kii May, 2023) dib u shaqo bilaabay kadib markii si ku meel gaar ah loo xiray 16-kii bishan, sababo la xiriira iska-horimaad labo ciidan oo katirsan Puntland ku dhexmaray agagaarka garoonka.

Iska horimaadka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo doorashada dowladaha hoose ee Puntland, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Diyaaradihii sida maalinlaha u imaan jiray kuwaasoo sameeya duulimaadyo isku xira Soomaaliya iyo wadamada Geeska Afrika, ayaa yimid maanta, sida shaqaale katirsan garoonka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*