358 qof oo ku dhintay shilal gaari oo ka dhacay Puntland sanadkii 2017

Taliyaha Qeybta Nabadgelyada Waddooyinka Puntland, Axmed Cabdi Cali oo wariyeyaasha la hadlaya. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) 358 qof ayaa ku dhintay shilal gaari oo ka dhacay Puntland sanadkii 2017, sida lagu sheegay warbixin sanadeed ay Khamiistii soo saareen Taliska Qeybta Nabadgelyada Waddooyinka Puntland.

Sida warbixinta lagu sheegay, 3384 shil ayaa ka dhacay sagaalka gobol ee Puntland.

Gobolka Bari ayaa ah kan ugu khasaaraha badan, 141 qof ayaa ku dhimatay 1402 shil oo ka dhacay gobolkaas, sida warbixintu sheegayso.

Sababaha ugu badan oo keena shilalka gawaarida ayaa waxaa kamid ah, xawaaraha, xirasho la’aanta suunka fadhiga, khibrad xumida darawalada iyo waddooyinka oo burbursan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*