Ugu yaraan 16 qof oo ku geeriyootay labo qarax oo ka dhacay Baydhabo

Gaariga gurmadka deg-dega ah oo sida dad ku waxyeeloobay qaraxa Baydhabo. [Isha Sawirka: Twitter]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 16 qof ayaa ku geeriyootay 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii labo weerar oo qaraxyo ismiidaamin ah lala eegtay makhaayad iyo huteel kuyaala magaalada Baydhabo galabnimadii Sabtida, sida ay sheegeen laamaha ammaanka iyo kooxda caafimaadka.

Nin xiran waxyaabaha qarxa ayaa gudaha u galay makhaayada Beder kadibna isku qarxiyay, isaga oo halkaas ku dilay dad badan kuwo kalena ku dhaawacay, sida ay sheegeen ciidamada booliiska.

Wax yar kadib qaraxa kowaad, qof kale oo isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay huteel Bilan, waxaana uu halkaas ku dilay in ka badan lix qof.

Makhaayada iyo huteelka la weeraray ayaa labaduba waxay caan ku ahaayeen dadka shacabka ah iyo masuuliyiinta dowladda.

Kooxda hubeysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas ka dhacay Baydhabo, sida ay tabisay idaacadooda Alandalus.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in huteelka ay beegsadeen uu leeyahay Maxamed Aadan Fargeeti oo ahaa wasiirkii hore ee maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo hadda u tartamaya madaxweynenimada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, oo doorashadoodu dhici doonto bisha November ee sanadkan.

Al-Shabaab, ayaa maamuli jirtay Baydhabo sanadihii u dhaxeeyay 2009 ilaa 2012 kahor inta aysan ka saarin ciidamada Itoobiya.

Qaraxa Baydhabo ayaa yimid iyada oo 14-ka Oktoobar ay ku beegantahay sanadguuradii kowaad ee qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*