Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya oo u safray Addis Ababa si uu uga qaybgalo shirka urur goboleedka IGAD

Hassan Sheikh Mohamud
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Garowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Jimce ah u safray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa Addis Ababa kaga qaybgali doona shirka wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD, oo maanta ka furmaya halkaas.

Dhanka kale, waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirka madasha qaran oo u dhaxeeya hoggaamiyaasha dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

Shirka ayaan wali heshiis laga gaarin, waxaana looga doodayaa qodobo ay ugu muhiimsanyihiin in la qeexo wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashooyinka dalka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*