Ganacsade ka badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay Muqdisho

qarax gaari
Gaariga oo qaraxa burburiyay. Sawirka: Radio Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Nin Ganacsade ah ayaa ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen booliiska.

Taliyaha booliiska saldhiga degmada Waaberi ayaa warbaahinta u sheegay in ganacsadaha oo lagu magacaabo Xuseen Jaamici uu gaariga ka dagay kahor inta uusan qarxin.

Jaamici ayaa qaraxa waxaa kasoo gaaray dhaawac fudud, sida uu sheegay taliyaha booliiska, sidoo kalena waxaa dhaawac kasoo gaaray wiil yar oo baalashle ah.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaas, balse waxaa la aaminsanyahay in ay tahay shaqada kooxda hubaysan ee Al-Shabaab.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*