Taliyaha ciidamada Soomaaliya oo dhiggiisa Uganda kula kulmay Kampala

Taliyaha ciidamada Soomaaliya oo dhiggiisa Uganda kula kulmay Kampala. [Xigashada Sawirka: Kampala Post]
Kampala-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidamada Soomaaliya Janaraal Cabdiweli Jaamac Xuseen ayaa dhiggiisa dalka Uganda Janaraal David Muhoozi kulan kula yeeshay magaalada Kampala.

Labada Janaraal ayaa ka wadahadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan ammaanka gobolka iyo sidii loo wadaagi lahaa sirdoonka.

Taliyaha ciidamada Uganda Janaraal David Muhoozi ayaa sheegay in Uganda ay ku qanacsantahay dadaaladeeda ay ku dooneyso sidii loo xaqiijin lahaa nabada iyo xasiloonida gobolka.

Dhankiisa, Taliyaha ciidamada Soomaaliya Janaraal Cabdiweli Jaamac ayaa Uganda uga mahadceshay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ku tabarucay ciidamada AMISOM, in ka badan 6,000 askari ayaa ka jooga gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*