Dhaarinta xildhibaanada cusub ee aqalka hoose iyo aqalka sare ee DFS oo ka bilaabmatay Muqdisho

Dhaarinta xildhibaanada cusub. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dhaarinta xildhibaanada cusub ee aqalka hoose iyo aqalka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka bilaabmatay magaalada Muqdisho.

Waxay muujinaysaa tilaabo horey loogu qaaday kadib doorashada dalka oo dib u dhac sanad iyo bar ku dhow uu ku dhacay, inkastoo ay weli jiraan xubno aan weli doorashadooda la qaban sida gobolka Gedo oo qorshu yahay in 16 kursi laga soo doorto.

Hanaanka doorashada xildhibaanada labada aqal ayaa sanadkan waxaa hareeyay wax-isdabadamarin iyo musuq-maasuq baahsan.

Shaqooyinka ugu waa-weyn ee horyaala xildhibaanada cusub ayaa ah qorshaynta doorashada madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo xileedkiisii uu dhammaaday bishii Febaraayo 2021, iyo musharixiin kale oo ay kamidyihiin madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo labo madaxweyne oo hore Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u tartamaya xilka madaxweynaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*