Ugu yaraan 10 qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay huteel kuyaala Muqdisho

Muuqaalka guud ee goobta kadib qaraxa lala beegsaday albaabka huteel Naasahablood ee Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyooday qarax uu waday qof is-miidaamiyay oo lala beegsaday huteelka Naasahablood ee Muqdisho maanta oo Sabti ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka iyo caafimaadka ah.

Daqiiqado yar kadib qarax gaari ayaa ku qarxay meel u dhow guriga baarlamaanka.

In ka badan 20 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, sida saraakiil caafimaad oo ku sugan Muqdisho ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Intooda badan dadka ku dhintay weerarka ayaa ahaa shacab iyo askar, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka, iyaga oo sheegay in ay bartilmaameedsadeen wasiirro iyo saraakiil ammaanka oo ku sugnaa gudaha hoteelka.

Weerarka ayaa yimid todobaad ka dib markii gaari weyn oo laga soo buuxshay walxaha lagu qarxiyay isgoyska Zoobe ee Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 350 qof, waxa uu ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*