Golaha wasiiradda Puntland oo meelmariyay miisaaniyadda sanadka 2022

Golaha wasiiradda oo u gacantaagaya miisaaniyadda 2022. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah meelmariyay miisaaniyadda sanadka 2022, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda maaliyadda.

Miisaaniyadda 2022 ay golaha wasiiraddu ansixiyeen ayaa dhan $354 milyan, taasoo wax yar ka badan tii 2021 oo ahayd $341 milyan.

60% miisaaniyadda 2022 ayaa ku baxaysa amniga iyadoo Puntland ay dagaal kula jira kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*