Ugu yaraan 12 qof oo ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Beledweyne

Goobta weerarka uu ka dhacay ee Beledweyne.[Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyooday 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qof isa-soo miidaamiyay uu isku qarxiyay meherad kutaala magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya, sida ay ku warantay warbaahinta caalamiga ah ee Bloomberg, oo soo xiganaysa saraakiil booliis.

Qaraxa ayaa yimid iyadoo qorshu yahay in magaalada ay ka dhacdo doorashada xubno katirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay in iyadu masuul ka tahay weerarkaas dhacay maanta oo Sabti ah. Maleeshiyada ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay weeraro ka fulisay caasimada, oo kii ugu dambeeyay ay la beegsatay saldhigyo booliis.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*